TOP NEWS:- Howlgallo Miino baaris ah oo laga sameeyay Gobolka Sh/Hoose

0

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgallo waxa ay ka sameeyeen inta u dhexeysa deegaanada Buufow Bacaad iyo Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada ayaa la sheegay in lagu baarayo Miinooyin ay Ciidamadu ka cabsi qabaan in ay ku jiraan wadada.

Ciidamadaan ayaa shalay  labo weerar oo qaraxyo ahaa waxa ay ku qabsadeen deegaanada Cadow Dabille iyo Jiiro Gaaljecel ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana weeraradaasi ay Ciidamadaas oo la sheegay in ay ku sii jeedeen deegaanka Shalaanbood ay ku qasbeen in ay xalay hoydaan deegaanka Buufow bacaad ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Soomaalida ee Kolonyadaasi la socda ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ururka 2aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Xasan Jaamici.