Top News: Dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea oo isku eedeeyay dagaalkii xuduudooda ka dhacay.

0

Itoobiya iyo Eritrea ayaa isku eedeynaya mas’uuliyada dagaalkii Axadii la soo dhaafay ka dhacay xuduuda lagu muransan yahay ee labada dal ay wadaagaan.

Labada dhinac oo horay xiisad ugu dhaxeysay ayaa midba midka kale waxaa uu ku eedeynayaa inuu dib u huriyay xiisada dagaal ee ka dhex aloosneyd.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay inay isaga soo baxeen goobta lagu dagaalamay, markii ay ka gaareen hadafkooda sida uu yiri.

Mr Getachew Reda ayaa xusay in dagaalka uu istaagay Isniintii, balse ma aanu sheegin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalka.

Halka lagu dagaalamay ee ku taal xuduuda Eritrea ayaa lagu magacaabaa Tsorona, waana meelihii sida weyn lagu dagaalamay sanadihii 1998-2000.

Danjiraha Eritrea u fadhiya Qaramada Midoobey Girma Asmerom ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay daan daansi dagaal wado, waxaa uu sheegay in dagaalka uu ka yimid dhanka Itoobiya.

Waxaa uu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inuu cambaareeyo weerarka ka yimid Itoobiya.

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay isku dhaca labada dal, waxayna labada dhinac ugu baaqday inay is xakameeyaan.