FBI-yada Mareykanka oo Su’aalo weydiinaya Xaaska Ninkii Weeraray Kalaab ku yaalla Mareykanka

0

Hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa wadda baaritaan ay su’aalo ku weydiinayso xaaska Cumar Mateen oo dhawaan dalkaas ka geystay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xaaska Mateen oo lagu magacaabo Nuur ayaa la weydiinayaa su’aalo lagu ogaanayo in ay wax ka ogeyd qorshaha uu ninkeedu fuliyay iyo in kale.

Nuur ayaa haddii ay caddaato inay ka war haysay arrinta, waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad ku saabsan sababta ay u qarisay.

Weerar uu Cumar Mateen ku qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Orlando ee gobolka Florida ee carriga Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay 49 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale.