DHAGEYSO WAREYSI:- Al-Shabaab iyo dad Shacab ah oo maanta ku dagaalamay deegaan ka tirsan Gobolka Baay

0

Ugu yaraan 9 Qof ayaa ku dhimatay Degaan la yiraado Lafaale oo ka tirsan Gobolka Baay ka dib markii ay Dagaalameen Shabaab iyo Dad Shacab ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Muran ku aadan Ceel laga hirgalin rabay Degaankaasi lafaale oo ka tirsan Gobolka Baay,balse ku yaalla Xadka ay wadaagaan Gobolada Baay iyo Shabellaha Hoose.

Dadk dhintay ayaa la sheegay in ay yihiin Dhinacyadii halkaa ku dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen Degaanka Lafaale,waxaana Goobjoogeyaal ay sheegeen in Dad Shacab ah ay Shabaabku Afduub ugu haystaan halkaas.

Al-Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo saarin Dagaalka ka dhacay Degaanka Lafaale ee Gobolka Baay.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-