DHAGEYSO:- Obama oo si kulul ugu Jawaabay hadal ka soo yeeray Musharax Donald Trump

0

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa u jawaabay musharaxa xisbiga jamhuuriga Donald Trump.

Donald Trump ayaa ereyo qalafsan dhowaanta jeediyay eedayna u jeediyay Obama.

Obama waxuu sheegay in ereyada uu sheegayo Mr Trump aysan wax micno ah soo kordhinaynin.

Madaxweyne Obama waxuu sheegay in Daacish ay doonayso inay islaamka iyo Maraykanka ay iskudirto.

Obama waxuu ku eedeeyey Donald Trump in siyaasadiisa ay tahay mid qaldan.

Musharaxa xisbiga jamhuuriga Donald Trump ayaa maamulka Obama ku eedeeyey siyaasad xumo.

Waxuu Trump sheegay in dowladda Obama aysan waxba ka qaban islaamka xagjirka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-