DHAGEYSO:- Madaxweynaha Dalka Kenya oo QM kala hadlaya arimaha Qaxootiga

0

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyaasha Midowga Yurub iyo sidoo kale Qaramada Midoobe lagu wadaa in maanta kala hadlo arimo badan o ay ka mid yihiin xiritaanka xeryaha qaxootiga Dhadhaab  ee dalka Kenya iyo dhaqaalo yarida soo wajahday ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Kusugan Soomaaliya.

Waxaa uu Uhuru Kenyata ka dhaacin doonaan madaxda Qaramada Midoobe in ay taageeraan dowladda Kenya ayna ku taageeraan go’aankeeda ku aadan in ay dib u celinayso qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan dalka Kenya iyo in laga taageero dowladda la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

Waxaa uu kulan gaar ah la qaadan doonaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Banki Moon si uu ukala hadlo dhaqaalaha ciidanka AMISOM eek u sugan Soomaaliya.

Qaramada Midoobe ayaa u aragta tilaabada dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga mid aan waafaqsaneyn sharciyada,waxaana dhowr jeer hay’adaha qaramada Midoobe ay cambaareeyay go’aanka dowladda Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hada ku sugan dalka Biljimka waxaana uu halkaas kula kulmaya madax kala duwan oo kala socota caalamka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-