WAR DEG DEG AH:-Madaxweynaha Puntland oo Xil ka qaadis ku sameeyay hogaanka Taliska Nabad Sugiga Puntland. (Akhriso Wareegtada)

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyahaii Hay’adda Nabad Sugida Sharmaarke Sheekh Doon iyo ku xigeenkiisa Abshir Aadan kadib kulamo todobaad qaatay oo ka dhacay Xarunta Madaxyooyada Maamulkaasi ee Magalada Garoowe.

Cabduweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa xilka Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida u magacaabay Maxamuud Cabdi Maxamed halka ku xigeenkiisana laga dhigay Saciid Salaad Maxamuud.

Digreeto dhawaan ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa lagu magacaabay Saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida ee Maamulka Puntland.

Ugu dambey, Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Saraakiisha amniga ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxey uga hadleen howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

wareegto

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media