DHAGEYSO:- Ciidamo Ethiopian ah oo lagu sagootiyay Magaalada Baydhabo

0

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka dhacday Munaasabad lagu sagootinayo Ciidamo Ethiopian ah  , kuwa kalana lagu soo dhaweynayo kuwaas oo aan la xusin cadadooda.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ahna Wasiirka Beeraha ee maamulkaas oo   ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Ciidanka Ethiopia ay kaalin wax ku ool ah ka geysteen in  Al Shabaab laga saaro deegaanno ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Bakool.

Sidoo kale ku simaha Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Ethiopia ay gacan weyn ka geysteen Nabad Gelyada deegaanada Koofur Galbeed.

Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa meelaha ay si weyn uga howlgalaan waxaa ka mid ah Gobollada Baay iyo Bakool oo deegaano  ka mid ah ay ka arrimiyaan Xarakada Al Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-