XOG:- Askar Itoobiya Kaga dhimatay Weerarkii Halgan Oo La Geeyay Addis Ababa

0

Xero ciidan oo ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa laga dejiyey Meydadka askar badan oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ku dhintay weerarkii 9-kii bishan ka dhacay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka waxay sheegayaan in halkaasi la geeyay 73 Meyd oo askarta Itoobiya ah ayna ku jiraan Haween.

Meydadkan ayaa lagu aasi doona qabuuraha ciidanka Itoobiya ee Addis Abba, waxaana aaskooda ka qeybgali doona mas’uuliyiin kala duwan.

Itoobiya waxay horay u sheegtay in aanu jirin askari kaga dhintay weerarkii Halgan ee gobolka Hiiraan, balse qudhooda khasaare ayaa soo gaaray.