TOP:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo si Kulul kaga hadlay Xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte

0

Guddoomiye ku xigeenka  Gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in uusan waxba kala socon xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte C/caciis Duuroow uu ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ku tilmaamay xil ka qaadista Guddoomiye Duuroow mid aan sharci aheyn waxuuna intaasi ku daray in xil ka xayuubinta awoodeeda ay leedahay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xildhibaan Jeesoow oo soo hadal qaaday arrimaha ku aadan Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa waxuu beeniyay fashil la sheegay in uu ku yimid Shirka ka socda Magaalada Jowhar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheeneyso in Bisha barakeysan ee Ramadaan kadib ay la dar dargeliso Shirka Magaalada Jowhar kaasi oo Maamul mideysan loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegay in xiisad Dagaal ay ka jirto Degmada Buuloburte maadaama Guddomiyaah Degmadaasi iyo Ciidamo uu horkacayo ay difaac adag ka xirteen Xarunta Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.