TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo Shacabka tabarta daran u sheegtay War Farxad gelinaaya

0

Maanta ayaa la soo gaba gabeeyay Dajinta Markab Macawino siday oo  Dowladda Turkiga ay ugu deeqday Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/rashiid Xidig oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhawaan Shacabka Soomaaliyeed u qeybin doonto Gargaarka Deeqda ah ee laga dajiyay Markabka Dowladda Turkiga ay ugu deeqday Soomaaliya.

Wasiir Xidig ayaa intaa ku daray in Dadka loo gaarsin doono sida ay u kala daran yihiin Inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku nool Dad Tabaaleysan oo u baahan in Gargaar Deg Deg ah lala gaaro,maadaamada lagu jiro Bishii Ramadaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO