Kenya oo Ciidamo iyo Baldoosaro soo dhoobtay Xadka Soomaaliya ay la wadaagto

0

Wararka aan ka heleyno xadka u dhexeeya Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera ayaa ku soo warramaya in dowladda Kenya ay Ciidamo fara badan ay soo dhoobtay xadkaasi.

Kenyaa ayaa sidoo kale halkaas keentay agab iyo Gaadiid ay ka  mid yihiin Baldoosaro kuwaas oo  ay ku doonayaan in ku billaabaan dhismaha Darbiga  xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka hir gelinayaan.

Muddo 2 cisho ah ayaa la soo sheegayaa in aysan wax waxbarasho ah aadin Ardayda Soomaaliyeed ee degan Degmada Baladxaawo oo wax ka baran jiray Magaalada Mandheera.

Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan horay uga geystay gudaha dalka Kenya  kuwaas oo gallaaftay nolosha dad badan.

Kenya ayaa waxa ay weeraradaan la kulmayeen tan iyo markii Ciidamadooda ay soo galeen dalka Soomaaliya.