Imaaraadka Carabta oo lagu xukumay labo nin oo Somali ah oo taageerada Daacish lagu helay

0

Maxkamad ku taal Magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa la soo taagay shalay labo nin oo Somali ah, kuwaasi oo loo haystay eedeymo la xiriira taageerada Kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq ka dagaalanta.

Labadan nin ayaa ku eedeysnaa inay Baraha Bulshada ku faafinayeen fikradaha Ururka Daacish, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay lahaayeen Websiteyo ay ku qorayeen wararka la xiriira Daacish.

Maxkamada ayaa sheegtay in la helay cadeymo rasmi ah oo muujinaya dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay labadan nin kadibna, go’aan ay ka gaartay maxkamada.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Cali Maxamuud Cali iyo C/raxmaan Maxamuud Cali, ayaa lagu xukumay min Shano sano oo xarig ah, sida qaadiga Maxkamada uu ku dhawaaqay.

Cali Maxamuud Cali iyo Cabdi raxmaan Maxamuud Cali ayaa u  shaqeynaayey shirkad shidaalka ka ganacsata kana soo jeeda dalka Somaliya.

Qaadiga Maxkamada ayaa sidoo kale amar wuxuu ku bixiyay in la xiro dhamaan goobihii ay u isticmaalayeen faafinta fekradaha la xiriira Ururka Daacish.

Somali badan ayaa dalka dibadiisa loogu xukumay arimo la xiriira taageerada Kooxda Daacish oo noqotay xilligaan kooxda Aduunka dhan uu hadal haayo ee dagaalka ka wada dalal badan.