DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID:- Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Amar culus iyo Ciidamada oo la faray inay weydiiyaan Dhamaan Shacabka ku Nool Muqdisho

0

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo maanta wariyaasha Kulahadlay Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay qaadashada kaararka aqoonsiga ah ee Minishiibiyo.

Xalane ayaa faray shacabka ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho in ay qataan kaararkaas oo uu sheegay in ay aad muhiim ugu tahay shacabka Xamar isgoo xusay in qaadashadiisa ay qasab tahay.

“Hey’adaha Amaanka waa in ay weydiiyaan muwaadiniinta karaka aqoonsiga si ay u cadeeyaan in qofka uu yahay muwaadiin”ayuu yiri Xalane

Waxaa kale uu xusay in ay jiraan qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ay qaatay kaararka aqoonsiga ee Minishiibiyo isagoo dadkaas amaanay.

“Shacabka Soomaaliyed intii qaadatay wey mahadsantahay inta aan qaadana waxaan farayaan in ay dhawaan qaataan, waxaa laka heli karaa Degmooyinka Shibis, Wadajir, Howl-wadaag iyo  Xarunta Ciidanka ilaalada wadooyinka ee Muqdisho;  dhamaan meelahaas waad ka heli kartaan waana idiin fududeynay marka hala qaato” ayuu mar kale yiri afhayeenka gobolka banaadir .

09-05-2016 ayaa Xaflad ka dhacday aqalka dowladda hoose ee Xamar waxaa lagu daahfuray qaadashada kaarka aqoonsiga ee Minishiibiyo; iyadoo markaas qaar ka mid ah madaxdii kulankaas joogtay ay qaateen kaarka aqoonsiga ee Minishiibiyo

HALKAAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID