DHAGEYSO DHACDOOYIN NAXDIN LEH:- Illaa 50 Ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay Degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe

0

Sida ay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho u sheegeen qaar ka mid ah Odayaasha Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa Magaaladaasi Siyaabo kala duwan loogu dilay ilaa 50 Ruux Maalmihii la soo dhaafay.

Nabadoon Ibraahin Baashiyow oo ka mid ah Waxgaradka Degmada Balcad ayaa sheegay in 50 Ruux siyaabo gooni gooni ah loogu dilay Degmada Balcad iyo Degaanada Hoosyimaada.

Dhanka kale waxaa uu Nabadoon Ibraahin Baashiyow  sheegay in Dadka ku nool Degmada Balcad ay bilaabeen Barakac xoogan,kuwaas oo ka Cabsi qaba Falalka Amni daro.

HALKAAN KA DHAGEYSO