DAAWO:- Dowlada Norway oo wada qorshe halis ku ah Soomaalida ku nool dalkeeda

0

Dowladda Norway, ayaa waxay wadaa qorshe ay dib dalkoodu ugu celinayso dad Soomaali ah,  ka dib markii ay u diiday inay siiso sharciga dalkaasi.

Saraakiil ka socday hay’adda dib u celinta qaxootiga ee dalka Norway, ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxay Magaalada Tromsø kula kulmeen qaxootiga Somaliyeed ee sharciga loo diiday, waxayna u sheegeen inay dib dalkooda ugu laabtan, lana siin doono qof kasta laba kun oo dollarka Mareykanka, si ay ugu shaqaystan kolka ay Somaliya ku noqdaan.

Istaahil Maxamuud oo canug ku dhashay dalkaasi, ayaa ka mid ah dadka loo sheegay dib in loogu celin doono Somaliya, waxayna walaac ka muujisay qorshaha Dowladda Norway dib ugu celinayso Somaliya.

Istaahil Maxamuud waxaa loo sheegay in canugeedu uu xaq u yeelan doono in uu ku sii nagaado Norway, maadaama uu dalkaasi ku dhashay.

Hooyadan oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegtay in Saraakiishii Norway ka socotay ay u sheegeen in Dowladaha Somaliya iyo Norway, ay ku heshiiyen qorshaha dib loogu celinayo.

Ujeedada ugu wayn ee loogu sheegay dib u celintooda, ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliya ay nabad tahay, sidaasi daraadeedna ay labada dowladood isku mowqif ka qaateen dib u celinta qaxootiga bilaa sharciga ah.

Istaahil waxay beenisay in xasilooni ka jirto Somaliya, waxayna ku sheegtay meel aan hadda lagu laaban karin, iyadoona Dowladda Somaliya ka codsaday inay dib uga laabato heshiiskaasi.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-