Cayilka waa nafaqa daro-Daraasad cusub

0

Nafaqadarada ayaa aduunka ku baahday, waxaana soo kordhay cayilka oo ah macluul, sida lagu sheegay daraasad cusub.

Qolada daraasadda sameysay oo la yiraahdo 2016 Global Nutrition Report  ayaa sheegay in  44%  wadamada laga sameeyay uu aad u hooseeyo heerka nafaqadarada iyo cayilka.

Daraasaddan oo laga sameeyay 129 wadanka ayaa soo bandhigtay in sadexdii qofka mid kamid ah uu la il-daran yahay nafaqadaro.

Dhaqan ahaan nafaqadarada ayaa lala xiriiriyaa carruurta taas oo ku keenta cuduro kale oo macluusha keento.

Inkastoo horumar badan laga sameeyay sidii arintan wax looga qaban lahaa hadana waxaa jira caqabado badan oo caalamka ka heysta tirada sii kordheysa ee cayilka.

Tirada cayilka ee sii kordheya ayaa daraasadda lagu sheegay in meel kasta oo caalamka kamid ah ay ka dhacdo isla markaana aysan jirin gobol u gooni ah.

Boqolaal milyan oo ruux oo caalamka ku kala nool ayaa la daalaadhacaya nafaqadarada taas oo keenta buurida kuwaas jirkooda ay ka buuxsanto Sonkorta, Milixda iyo dhiigooda oo duxda ku badato(cholesterol) sida lagu sheegay daraasadda.

Professor Corinna Hawkes, oo daraasadda la guddoomiye ka aheyd ayaa tiri ” Darasaada waxaa ay dib u qeexeysaa  waxa uu aduunka u heystay nafaqadarada “.

” Nafaqadarada ayaa loolo jeedaa nafaqa xumo  taas oo ah in qofkasta oo aan heysan nafaqo ku filan.

” Waxaa laga yaabaa in aad tahay ruux aad u dhuuban, oo aan jirkiisa hilin laheyn ama in aad tahay qof aad u buuran amaba qof dhiigiisa ay Sonkorta u badan tahay taas oo keentay macaanka,”  ayay tiri.

Dalal badan ayaa ku howlan sidii loo yareen lahaa dhibaatadan isla markaana hoos loogu dhigi cayilka inkastoo u aad u yar yahay wax ka qabashada dhibaatada cayilka oo sababta xanuuno uu kamid yahay cudurada wadnaha.

Xaqiiqada daraasaddan ayaa ah tirada carruurta ee da’dooda ka hooseyso shanta sano ee jirkoodu buuran yahay ay ku dhow yihiin kuwa miisaankoodu hooseeyo.

Dr Lawrence, oo kamid ah dhakhaatiirtii daraasadda sameyay ayaa yiri ” Hadda waxaa ku nool nahay duni nafaqadarada ay caadi ka tahay.

Daraaasadda ayaa ku talisay in lacagta siyaasiyiinta ay sheegaan in ay dhibaatada ku yareynayaan hal doolar kasta oo kor loogu qaadayo heerka nafaqada ama barnaamijyada nafaqeynta uu u dhigmo 16 doolar oo lagu xaqiijinayo kuwa ka faa’ideysta barnaamijyadan.

Xigasho: BBC