TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo loogu baaqay in uu ka dhabeeyo balan qaadkiisa

0

Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in uu ka dhabeeyo balan qaadkiisa ku aadanaa in dowladda ay la wareegtay xaalada Wariye C/risaaq Black isla markaana dalka dibadiisa loo qaadayo.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu ka dhabeeyo balan qaadkiisa si loo badbaadiyo nolosha Wariye C/risaaq Black oo la Xanuunsanaya dhaawac ay u geysteen Kooxo hubeysan.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Xukuumada Soomaaliya in ay fuliyaan balan qaadka Madaxweynaha.

Sidoo kale Gudoomiyaha guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Xaalada wariyaha ay ka sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa isla markaana ay muhiim tahay in dalka dibadiisa loo qaado.

Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi Black oo ah Agaasimaha TV-ga Somali Channel Xaruntiisa Muqdisho ayaa kooxo hubeysan waxa ay sanadkii 2014 ku dhaawaceen qeybo ka mid ah Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 27 Bishii May ee sanadkaan waxa uu si cad u balan qaaday in dowladda ay la wareegtay dhaawac wariyaha isla markaana dibada loo qaadayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO