Madaxweyne Obama oo ka hadlay 50-ka ruux ee lagu laayay Magaalada Orlando

0

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka hal habeen ka hor lagu qaaday baarka Magaalada Orland ee Gobolka Florida, isagoona tacsi u diray qoysaska iyo asxaabta dadkii lagu laayay baarka.

Madaxweynaha, ayaa waxaa uu weerarkan ku sheegay fal argagaxiso, isla-markaana ku lug leh naceyb, waxaa uu intaa ku daray in weerarkan uu noqonaayo toogashadii ugu xumeyd ee ebid laga gaysto dalka Mareykanka.

Wuxuu sheegay in FBI-da Mareykanka ay hadda ku sugan tahay goobtii uu falku ka dhacay, isla-markaana ay wadaan baaritaano la xiriira weerarkaasi.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in uu garab taagan yahay bulshada ku dhaqan Magaalada Orlando, oo ah halka lagu laayay dadka.

Omar Mateen oo ahaa 29 jir u dhashay Mareykanka, balse uu asalkiisu yahay Afghanistan, ayaa loo aqoonsaday in uu yahay shakhsigii qaaday weerarka ka dhanka ah baarka ay qaniisiintu isugu timaado.

Golaha Muslimiinta Mareykanka, ayaa waxay weerarkan ku sheegeen mid aan shaqo ku lahayn Diinta Islaamka, waxay kaloo sheegeen in xadgudub uu ku yahay Islaamka iyo sharuucda Mareykankaba.

Mir Seddique oo ah aabaha dhalay ninkii weeraray baarka ku yaala Magaalada Orlando, ayaa sheegay in wiilkiisu uu aad u nebcaa dadka isu jinsiga ah, ee isu galmooda.

Mir Seddique, ayaa sheegay wiilkiisa Omar Mateen in uu aad u carooday, markii uu Magaalada Miami ku arkay laba nin oo is dhunkanaysa, balse aanu weerarkan wax xiriir ihi la lahayn Islaamka.

Weerarkan waxaa uu noqonayaa noociisii ugu xumaa ee toogasho ah oo ka dhacda gudaha Mareykanka. Duqa Magaalada Orlando, Buddy Dyer waxaa uu ku dhawaaqay in weerarkaasi lagu dilay 50 ruux, halka 53 kalana lagu dhaawacay.