Maanta waa Sidee Xaaladda Degmada Cadaado ka dib Dagaalkii shalay ?

0

Xaaladda magaalada Cadaado ee gobolka Galgaguduud ayaa lagu soo warramayaa inay maanta deggan tahay aysan ka jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan iyo saan saan dagaal ah ka dib markii shalay uu ka dhacay isku dhac dhexmaray ciidamo dawladda federaalka ah ka wada tirsan, isku dhacaas oo sababay dhimasho 3 askari iyo dhaawaca seddex kale.

Isku dhaca ayaa yimid ka gadaal markii Askar gadoodsan ay weerareen goob mushaar loogu qaybinayey askar kale, halka kuwa weerarka gaystay ay saraakiisha ciidamadu sheegeen inuusan weli imaan Liiskii Mushaarkooda lagu siin lahaa.

Gudoomiyaha Degmada Cadaado, C/laahi C/raxmaan Xuseen (Tootoole), ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin in mar kale lagu dhex dagaallamo gudaha magaalada Cadaado, isagoo sheegay in wax walba wada hadal laga hormarin doono intii Xabbad la isku ridi lahaa.

Waa markii labaad oo Ciidamada Dowladda Somaliya ay ku dagaalamaan Cadaado, xilli ay ka socotay bixinta mushaaraadka Ciidamada qaarkood.

Waa markii labaad oo Ciidamada Dowladda Somaliya ay ku dagaalamaan Cadaado, xilli ay ka socotay bixinta mushaaraadka Ciidamada qaarkood.