DEG DEG+DIGNIIN:- Ciidamada Kenya oo Heegan la geliyay, Hotelo ku yaala Dalkaasi oo Al-Shabaab looga baqayo iyo Dowlada oo amar soo saartay inta lagu jiro Bisha Ramadaan

0

Doowladda kenya ayaa ugu baaqday Shacabka Dalka kenya in ay ka feejignaadaan weeraro shabaab ay ka geeytaan Gudaha Wadankaas inta lagu guda jiro bisha Ramadaaan.

Taliyha booliska dalka kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in laga cabsi qabo weeraro Rag ka tirsan shabaab oo kasoo jeeda dalka kenya ay ku qaadaan Magaalooyin ku dhirirsan xuduudda kenya ay laleedahay Soomaaliya iyo weliba Magaalooyin kale oo ka baxsan kuwa xuduudda ku yaala.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa carabaabay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala wadanka kenya oo ay ka mid yihiin Mombasa, Malindi iyo Nairobi, wuxuuna si qaasa digniintiisa ugu soo jeediyay hoteelada ku yaala Magaalooyinkaas oo  uu tilmaamay inloo baahanyahay in ay feejignaaan dheeri ah muujiyaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.