WAR DEG DEG AH:- Ahlusunna oo Maamul Cusub u Magacaabay Magaalada Dhuusamareeb.

0

Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe Sheekh  Maxamed Shaakir  Cali xasan ayaa Wareegto ku Magacaabay Maamulka Cusub ee Degmada Dhuusamareeb,xilli uu horay Xilkii uga qaaday Maamulkii Degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb u Magacaabay Mas’uul lagu Magacaabo C/llaahi Barre.

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ayaa asna loo Magacaabay Macalin Faarax Maxamed Faarax.axday

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ayaa laga dhigay C/qaadir Axmed Cali xasan.

Haweeney lagu Magacaabo Bishaaro Maxamed Cardoofe ayuu u Magacaabay Xoghayaha Maaliyada Mamaulka Degmada Dhuusamareeb.

Maamulka Cusub ayuu kula dardaarmay in ay Gutaan Waajibaadka loo Magacaabay sida lagu qoray Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir.

la soco goor dhaw Wareegtada oo Saxiixan ayaan idiinn soo bandhigeynaa…