DAAWO SAWIRADA:- Hay’adda Tana Copenhagen oo wacyi gelin u sameysay horjoogayaasha Kaamamka ku yaalla Degmooyinka G/Banaadir

0

Iyadoo laga duulayo wacyigelinta dadka barakacayaasha ah si looga hortago falalka aan wanaagsaneyn ee saameynta ku yeelan kara nolosha qoysaskaasi ayaa waxaa hay’adda Tana Copenhagen/IDc. ay isku duba riday aqoon iswaydaarsi lagu tababarayo Horjoogayaasha Xeryaha Barakacayaasha si wadashaqayn iyo Isfahan uu u dhaxmaro iyaga iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka ee Dayniile , Kaxda iyo Hodan.

Tababarkaasi oo muddo u socday Horjoogayaasha xeryahaasi , islamarkaasna ay ka qaybgaleen qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ayaa waxaa la isku dhaafsanayay aragti kala duwan iyadoo ugu dambayn aragti iswaydaarsigaasi laga sameeyay fariimo gaagaaban kuwaas oo lagu dhigay boorar waa wayn oo sadex xero oo ku kala taal degmooyinkaasi laga dhax qotomiyay.

Masuuliyiinta hormuudka u ah xeryahaasi oo laga waraystay aqoon kororsigaasi ayaa waxa ay sheegeen in wax badan ay ka kororsadeen tababarkaasi islamarkaasna ay fahmeen micnaha uu u leeyahay in laga reebtoonaado gudniinka fircooniga iyo in la dhaqan ilaaliyo xuquuqda gabadhahu leeyihiin.

Gudoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaaad Ibraahim iyo Gudoomiyaha Degmada Kaxda Cabdiladhiif Badawi ayaa si wadajir ah xariga uga jaray boorar lagu micna ururiyay talo soo jeedin ka soo baxday aqoon kororsi loo qabtay horjoogayaasha xeryaha barakacayaasha qaar ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Hodan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallabo wanaagsan ay tahay in la wacyigeliyo dadka barakacayaasha , qaabka ay hadda hay’adda Tana Copenhagen/IDc uu yahay habka kaliya ee wax lagu bari karo barakacayaasha .

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Kaxda Cabdiladhiif Badawi , dhankisu waxa uu isdul taagay sida ay muhiim u tahay arintan oo kale waxa uuna bogaadiyay masuuliyiinta hay’adda Tana Copenhagen/IDc. Iyo doorkeeda ku aadan sarre u qaadida aqoonta barakacayaasha.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

tana_1 tana_2 tana_3 tana_4 tana_5