Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo isku day dil ka badbaaday

0

Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay Guri uu ka tagan yahay Magaalada Luuq Xildhibaan Shaacir Maxamed Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya lagu Weeraray Bam Gacmeed Sababay Khasaaro.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Guriga Xildhibaan Shaacir ee Degmada Luuq lagu Tuuray Bam Gacmeed,waxaana sidoo kale Ciidamada Ilaalada u ah Xildhibaanka ay fureen Rasaas ay iskaga caabiyeen Kooxdii Weerarka ku soo qaatay.

Warka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaan Shaacir uu Weerarkaas ka badbaaday,balse ay ku dhaawacmeen Labo Qof oo ay ku jirto Xaaskiisa sida ay noo Xaqiijiyeen Goobjoogeyaal.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu Degan yahay Xildhibaan Shaacir,kuwaas oo Baaritaano ka sameeyay goobta,mana jirto Cid ay Falkaas u soo qabteen.

Horay ayaa sidaan oo kale Guri uu ka dagan yahay Degmada Baled-xaawo lagu Weeraray Xildhibaan C/fitaax Nuur Mataan oo asna ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.