WAR DEG DEG:- Shirka Jowhar oo la sheegay in Fashil uu qarka u saaran yahay

0

Nabadoon Xasan Qaasim Qeyliye oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in fashil uu ku dhow yahay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirkaan ayaa gogoshiisa Magaalada Jowhar waxa ay taallaa muddo 6 bilood ah oo aan waxba ka soo naasa cadaan weli.

Waxa uu shaaca ka qaaday Nabadoonka in wax dhaq dhaqaaq ah ee ku aadan in maamul loogu sameeyo Jowhar aysan xilligaan ka socon Jowhar.

Arrintaan ayuu masuuliyadeeda dusha uga tuuray Nabadoon Qeyliye dowladda federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“ waa ay gabtay masuuliyadeeda dowladdu wax xil ahna iskama saarin shirka Jowgar ee labada Gobol Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe maamulka loogu sameynayo” ayuu yiri Nabadoonku.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay in marka laga soot ago Ergooyinka Shabeelaha Dhexe kuwa reer Hiiraan ay billaabeen in ay isaga kala dareeraan Shirkaasi ayna dib ugu laabtaan deegaanadooda.

Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in fashil uu ku dhow yahay shirka maamul u sameynta labada Gobol.

Shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo muddo sanad barkii ah gogoshiisa ay taallo Jowhar ayaan weli muuqan wax natiijo wax ku ool ee laga sameeyay.