TOOS U DHAGEYSO:- Khasaaraha ka dhsahay Dagaalka Cadaado, Askar labada dhinac ka geeriyootay iyo Xaalada sida ay hada tahay

0

Dagaal xoogan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Xarun KMG Ahna u ah Maamul Goboledka Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid ka dib Markii Ciidamo ka tirsan Milatariga gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad oo Mushaar loo qeybinayo ay Weerar ku qaadeen Ciidan kale oo Milatari ah.

Illaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dagaalka ku Geeriyootay,iyadoo dhaawacu uu gaarayo ilaa 6 kale.

Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Xaaladda Magaalada hadda ay degan tahay islamarkaana uu istaagay Dagaalkii dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan Milatariga Dowlada,

Isku dhaca dhexmara Ciidamada Dowladda Ee ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa noqday mid soo laab laabtay iyadoo Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Galmudugna ay sheegeen dhowr jeer inaanu soo laaban doonin iska dhac ciidamada Ee Halkaas ka dhaca.

HALKAAN KA DHAGEYSO