DHAGEYSO:- Xilidhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo faah-faahin ka bixiyay weerar lagu qaaday

0

Qarax loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa xalay  lagu weeraray hoyga uu Xildhibaan  Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed uu ka degan yahay Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Xilidhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo xubin ka ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka badbaaday bambadaasi, balse waxaa ku dhaawacantay laba qof, oo middi ay tahay xaaskiisii.

Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay baarayaan sababtii ka dambeeysay in weerar lagu qaado.

Waxa uu sheegtay in dhaawac aad u culus oo gaaray xaaskiisa ,islamarkaana hada lagu dabiibaayo xarun caafimaad oo ku taala degmadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-