DHAGEYSO:- Taliska booliska degmada Waabari oo Kaamarooyinka qarsoon ku Xiraya wadada Maka Al-Mukarama

0

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada waabari Gaashaanlle Xuseen Maxamed Cabdi oo ka hadlayay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Waabari ayaa sheegay in maamulkooda ay xoojinayaan dadaalada amniga lagu xaqiijinayo.

Gaashaanlle Xuseen ayaa xusay in Kaamirooyinkii ugu horeeyay ee ah nuuca CCTV Camera ay ka hirgaliyeen gudaha Saldhiga degmada Waabari oo ku yaala nawaaxiga isgooska Dabka ee Muqdisho.

Tiro kale oo horleh ayuu sheegay in ay dhawaan galin doonaan wadada Maka al-mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoosyada Dabka iyo Shaqaalaha.

“Kaamirooyinka waxa ay naga saacidayaan xaqiijinta amniga, waxeyna keedinayaan waxii wadada ka dhaca oo marqaati kale looma baahna” sidaas waxaa yiri Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waabari.

Waxaa kale uu taliyuhu sheegay in dadka isticmaala wadada maka al-mukarama iyo kuwa ku ganacsada in ay muujiyaan feejignaan xaga amniga ah oo ciidamada ammaanka ay la shaqeeyaan.

“Baabuurta meelaha qaladka la dhiganayo dhibaanto badan ayaa ka jirda Dadka ku ganacsada hareeraha wadada waa in aysan oglaan in gaadiid qofkii watay aan la aqooon in la hor dhigo”

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOOM gaar ahaan Booliskooda ayaa maal-mahaan gordhiyay howlgada lagu xaqiijinayo amniga caaimadda; wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa habeen iyo maamiln waxaa lagu arkayaa Ciidamo kuwaas oo wada howlo amini xaqiijin ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-