DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo amaro soo saaray

0

Maamulka magalada Garoowe ee gobolka Nugaal Puntland ayaa soo saaray digniin kama dambeys ah oo ku aadan dhanka dhulalka ah.

Xogheyaha dowladda hoose ee magalada Garoowe Cabdi khafaar Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlayay magalada Garoowe ayaa sheegay in digniin kama dambeys ah uu u dirayo dadka ka dambeeeya in ay cabirtaan Guryaha ay leedahay dowladda taas oo ay horay u mamnuuceyn.

Sidoo kale xogheyaha ayaa intaas ku daray in ay tahay digniintii ugu dambeysay ay soo sarayan wixii xiligaan ka dambeeyana talaabo la qaadi doono.

Maamulka magalada Garoowe ee Puntland ayaa dhowr mar soo saaray digniin ku aadan in la joojiyo dadka ka dambeeyay iibsashada Guryaha ay leedahay dowladii hore,waana digniintii Sadaxaad ay soo gudbiyaan Sanadkaan gudihiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-