DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka oo fariin u diray Wasiirada Xildhibaanada ah

0

Gudooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Gudoonka Baarlamaanka uu si adag ula xisaabtamayo Wasiirada Xildhibaanada ah eek u jira Golaha Wasiirada kuwaasi oo ka maqnaada Kulamada lagu codeynayo wax ka badalka Dastuurka Dalka oo 3 Maalin socon doono.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ra’isal Wasaaraha uu kala hadlay Wasiirada Xildhibaanada ah eek a maqan Kulamada Baarlamaanka, isla markaana si gaar ah loola Xisaabtamayo.

Waxa uu tilmaamay in maalin walbo aysan suurta gal ahayn in Xildhibaanada aysan soo buuxin tirade laga rabay in ay ku codeynso sharciga wax ka badalka Dastuurka Dalka.

Shalay ayaa waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxay bilaabeen in ay u codeeyaaan Sharciga wax loogu badalayo Dastuurka dalka, waxaana Gudoonka Baarlamaanka uu soo diyaariyay Sanduuq uu Xildhibaan walbo ku ridayo Codkiisa isla markaana Xildhibaan walbo loogu baahan yahay 3 kulan ee soo socota in maalin ka mid ah uu codkiisa si loo helo tirada Xildhibaanada laga doonayo codeynta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-