DAWLADA PUNTLAND OO DAMAACIDAY XUBNAHA SIYAASADA DAWLADA JUBALAND.

0

Dawlad goboleedyadu waxay hoos yimaadaan dawlada dhexe ee fadaraalka soomaaliyeed.Halkan dawlad gobleed walbaa waxa uu leeyahay nidaam iyo madax banaani ugaara isagoo ilaalinaya danta guud ee fadaraalka.Maha macnaheedu wada shaqaynta ka dhaxaysa maamulada dalka iyo fadaraalka dhexe in maamul jiraa u yeerin karo maslaxadiisa maamulkale ee lasiman kolkaa.Dhib weeye hadii laysku milo oo lakala garan waayo danaha ay Dawlada Puntland leedahay iyo kuwa Dawlada jubaland ay leedahay.

Puntland dano farabadan ayaa uuga xiran dawlada dhexe waxayna u taagan tahay xuquuqda shacabkeeda puntalnd iyo danaheeda gaarka ah,suuro galna maha in ay iska dhex raadiso Dawlada Jubaland.waxayaabaha ragaadiyay soomaaliya oo ay kol hore u hana qaadi wayday waxaa kamid ah dulmiga iyo sadbursiga iyo duudsiga ay beelaha soomaaliyeed isku hayaan dhexdoodu.

Sida ku cad heshiiskii madaxda madasha qaranku waxay ahayd in lagu soo xulo baarlamaanka cusub 4.5 kii hore u jiray iyo deegaan labadaba. waxaana lasiiyay hogaamada maamul goboleed yada awood ay ku soo xulaan kuna soo gudbiyaan xubnaha baarlamaanka ka qayb galaya ee dagaankooda iyagoo kuwoo xulaya beelaha dagan dagaanka.halkan waana dagaan waana beel.waxaan aragnay in beesha mareexaan iyo ogaadeen iyo raxan wayn ay xubno ka heleen jubaland oo ah dagaan ay dagan yihiin,isla markaana ay 3 duba xubno ka heleen deegaanada dawalad goboleedyada sida koonfur galbeed iyo galmudug waayo deegaankaas ayay wax kadagan yihiin xaqna ku leeyihiin in ay wax kahelaan xulida xubnaha waana arin wanaagsan.

Hartiga jubooyinka waligiiba daganaa ee ah kuwo kamid ah beelaha daga jubaland ayaa waxaa xubnahoodii damaaciyay madaxwaynaha puntland oo jeebka gashaday wixii harti uuga soo aaday dawlada fadaraalka xubnaha baarlamaanka.Halka ay laba qayb ukala qaybsan lahaayeen sida beelha kale oo ah qayb jubaland hartiga daga ah iyo qayb puntlad hartiga daga ah.Waxaa kaloo la tuhmayaa in RAYSAL WASAARE CUMAR CABDI RASHIID qayb ka yahay cadaalad daradaa iyo dulmigaas ehelka lagu kala fogaynayo ee uu wado Dr GAAS. fidnadan oo ah shirqool siyaasadeed oo wax u dhimaysa xasiloonadii iyo wada jirkii dawlada iyo shacabka jubaland dhexdooda iyo xiriirka labada dawlad goboleed ee jubaland iyo puntland oo mugdi gala.

Duulaan weeye lagu soo duulay saladanada iyo kursiga madaxwaynaha jubaland ISLAAM AXMED MADOOBE ayadoo larabo in laga fara maroojiyo xuquuqda shacabka uu u taliyo ee uu hogaamiyo in xubnahoodii maamul goboleed kale iska qaato oo jeebka iska gashado.Tani DR GAAS IYO CUMAR wadaan waxay tahay in Hartiga jubaland aysan dagaan ku lahayn jubaland iyo in aysan beel ahaanba u daganayn jubaland taa badalkeedana ay dagaan puntland tanoo ah gaf iyo xaqirid umadeed halkii u danbaysay. Dantooda waa maxay hadaba waa sidan.

omar

gaas

DAMACA IYO DANTA BEENTA AH EE AY ISU SHEEGEEN DR GAAS IYO CUMAR

1.In xubnaha harti ay dr gaas iyo cumar puntland kasoo qoraan kuna darsadaan baarlamaanka iyagoo sad bursanaya kana faa iidaysanaya dulmiga ay ku haystaan putland.

2.Maadaama ay mucaarad dadban ku yihiin madaxwayne AXMED MADOOBE oo aysan rabin in uu sii joogo kursigaa jubaland,in laysku diro shacabka iyo siyaasiyiinta beelaha harti iyo madaxwaynahooda ay daacada u yihiin. in layiraahdo wakaa idin qadiyay ninkaad raacsanaydeen oo xaqiinii duud siyay!!

3.Xasad iyo xiqdi ay ka xun yihiin in cidaan maxamuud saleebaan ahayni majeerteen dhexdii kamuuqato oo ay diidan yihiin sidee cali ibraahim biciidyahan u ga soo baxaa jubaland oo harti iyo majeerteen wax uugu qaybshaa oo u helaa Genaraal Darwiish magac iyo haybad hogaan muuqda!! kol haday sidan tahay intii Reer biciid yahan wax qaybin lahaa ama nin majeerteen intiisa kala ah waa in lawaayo oo xaqiraa in hartiba dago jubaland oo kashaqaynaa in aan xubno halkaa kasoo bixin gabi ahaanba axmed madoobana marsiinaa.

4.In Axmed madoobe aqligiisa iyo kartidiisa iyo hoonimadiisa iyo maamulkiisa shaqsi ahaan wax loo dhimo oo shacabka loo tuso in uu yahay doqon aan waxba kala garanaynin oo xil intaa la eg iyo masuuliyad aan qaadiba karin.waxay halkan leeyihiin badaya dadkii harti ee la daganaa dagaanka ee wali ba ah dad soo jireen ah oo rag iyo maalba buuxa dagaanka ayuusan fahmayn in uu masuul isagu ka yahay in uu soo gudbiyo xubnaha ay xaqa u leeyihiin ee uga mid noqonaya baarlamaanka kuwan oo hadhaw anfacaya jubaland maadaama ay yihiin jubaland.halkan waxay caayayaan axmed madoobe oo durayaan oo leeyihiin daya khayru masuulka makaasa dad matali kara!!

Arimahan oo dhami waa arimo lagu burburinayo jiri taanka iyo siyaasada jubaland waa fidno lagu soo dhex tuuray jubaland.

Gabagabadii

Waxba nina ku gaarimaayo sad bursi doon iyo isku dir ehel wada dhashay oo aan marnaba kala maarmin.cadaalad daro nina meel ma gaarsiiso.xaqiirnimo iyo anaa mudan nina meel ma gaarsiiso.damac waxaan suuro gal ahayn waa lagu hun goobaa.hartiga xalaasha ah ee dagan jubaland suuro gal maha in cidina damacdo oo ka qaado xubna hooda uuga mid noqonaya baarlamaanka soomaaliyeed ee fadaraalka ah ee la xulayo.DR GAAS IYO CUMAR dooda ay wadaan ee ah harti madago jubaland halkay ku biyo shubato ayaan arkaynaa iyo ciribteeda danbe! PUNTLAND xubnaha majeerteen ninka ku taamayo in uu iska qaato oo isagu isasoo gudbiyoow hade looba jooge walaahaan xafiis danbe nabad loo fadhiyin! waxaan idin tusi in siyaasadaba la noco oo ay noqoto marabo kursi! anagu wax kale ma doonayno oo aan ahayn cadaalad iyo sinaan iyo walaalnimo iyo ehelnimo wax qaybsi xalaal ah waxaase loo fasirtay wanaaga iyo islaaxa aan ka talinayno doqonimo hada wixii kadanbeeye waxaan lasoo baxaynaa fariidnimada waxay u yaqaanaan laakiin adkaysi baa larabaa ogaada.axmed madoobe waxaan leeyahay ilaalinta xuquuqda shacabka hariti ee dagan jubaland adaa lagaa rabaa iyo gudbinta in aad sixiixdo xubnahooda waa waajib lagaaga fadhiyo heshiiskii madaasha ayaana kuu ogol in labadaba aad ku soo xusho 4.5 iyo dagaanba sida heshiisku ahaa beel walibana iyadaa dhexdeeda is dooran kadibna kuu soo gudbin oo aad sixiixa u danbeeya yeelan una gudbin baarlamanka sidan sharcigaa kusiiyay adiga adeer nina kuu tilmaamiyo shaqadaada dadkuna waa ku raacsan yahay.

W/Q:Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com