DAAWO:- Ciidamada Dowlada oo Qarxiyay Miino lagu aasay qeybo ka mid ah Muqdisho

0

Ciidamada miino baarista ee booliiska Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay qarxiyaan miino lagu aasay dhinaca Laamiga Warshadaha gaar ahaan agagaarka Warshaddi Birta.

Dadka deegaanka oo ka war helay miinada lagu aasay laamiga ayaa ku war galiyay Maamulka degmada Dayniile, kadibna waxaa halkaasi gaaray ciidamada Miino baarista ee booliiska Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad ,ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ku guuleesteen fashilinta Miinada lagu aasay  laamiga dhinaciisa kadib markii shacabka deegaanka ay ku soo wargaliyeen miinada lagu aasay halkaasi.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in la doonayay in Miinadaasi lagu lagu dhibaateeyo, shacabka iyo ciidamada hasa ahaatee ay noqotay mid fashilantay, waxa uuna tilmaamay in ciidamada booliiska ay ku guuleeysteen in ay qarxiyaan Miinadaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

mina_1 mina_2 mina_3 mina_4 mina_5 mina_6 mina_7