DHAGEYSO:- Saraakiisha Dowlada oo Warbaahinta usoo bandhigtay tirada Al-Shabaab ay kaga dileen dagaalkii Halgan

0

Taliyaha guutada 10-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Cornell Toobane Axmed Gureey ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Weerarkii ay Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Halgal oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in khasaaro badan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab isla markaana ay ka hortageen qorshihii ay damacsanaayeen.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in 140 Askari ay ka dileen Al-Shabaab, sidoo kalena ay ka dhaawaceen ku dhawaad boqolaal kale, waxa uuna xusay in ay jiraaan dad ay nolosha ku qabteen.

Waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen qoryo waa weyn iyo gawaarida dagaalka oo fara badan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-