DHAGEYSO:- Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab oo dagaal Xoogan ku dhex maray gobolka Hiiraan

0

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal dhimasho iyo dhaawac Sababay oo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Galbeedka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Sargaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu Magacaabo Ibraahin Xuseen Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka oo Garab ka helaya Ciidanka AMISOM ay la wareegeen Degaanka Wabxo ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale ay qarka u saaran yihiin Degaanka Buqaqable ee isla Gobolka Hiiraan.

Ibraahim Xuseen ayaa intaa ku daray Al-shabaab ay Dagaalka uga dileen ilaa 30 Dagaalame oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Al-shabaab weli wax faah-faahin ah kama bixin Dagaalka halkaa ka dhacay,marka laga reebo in ay Qireen jiritaanka Warkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-