DEG DEG:- Saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo sheegay in Ajaanib Shabaab ah lagu dilay dagaalkii Halgan

0

Taliska Guud ee Ciidanka Milatariga Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Dagaalkii ka dhacay Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ee dhex maray Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab Dadka lagu dilay ay ku jiraan Saraakiil Shabaab ah oo ka mid ah Ajaanibta ka barbar dagaalanta Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay arkeen Meydadka Saraakiil Ajaanib ah islamarkaana isugu jira Caddaan iyo Madoow intaba, kuwaas oo qeyb ka ah Meydadka Shabaabkii Halgan lagu dilay.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa shalay warbaahinta u soo bandhigay Meydadka Rag ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya 140 Dagaalame iyo Hub Farabadan oo la sheegay in laga Furtay Al-shabaab.

Hayeeshee Col. Tawane Axmed Gureey ayaa intaa ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ay wadaan Baaritaan lagu Ogaanayo Dhalashada Ajaanibta Meydadkooda lagu hayo Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.