DEG DEG:- Meydadka 33 Askari oo Itoobiyaan ah oo la geeyay Magaalada Baledweyne

0

Warar dheeraad  ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha Ciidamada Itoobiya ka soo gaaray Dagaalkii ka dhacay Degaanka Halgan ee Goboka Hiiraan .

Illo Waereedyo Madax Banaan ayaa sheegaya in Magaalada Baledweyne la gaarsiiyay Meydadka  ilaa 33 askari iyo dhaawaca in ku dhow ilaa 64 askari oo Itoobiyaan ah,walow Amisom Ethiopia iyo masuuliyiinta dowlada ay ku adkeysteen in khasaaraha ciidamada isgarabsanaya uu aad u yar yahay.

AMISOM ayaa sheegtay in uu jiro Khasaare soo gaaray Ciidamada Itoobiya,balse waxaa ay beeniyeen in Al-shabaab ay dileen 64 Askari.

Hayeeshee weli ma jirto Illo Madax Banaan oo Xaqiijinaya Dhimashada Labada Dhinac ku kala gaartay Dagaalkii Cuslaa ee ka dhacay degaanka Halgan.