Ciidamada Dowlada Libiya oo dagaal kula wareegay sirta

0

Ciidamada Libiya ee la safan dowladda midnimada Tripoli, ayaa sheegaya in ay hadda la wareegeen magalada dekedda ee Sirta kaddib dagaal xooggan oo ay la galeen ururka Khilaafada Islaamka.

Dagaalka lagu qaaday Sirta oo ahaa kii ugu muhiimsanaa meelaha ay ku xooggan yihiin kooxda ee ka baxsan Ciraaq iyo Suuriya, ayaa bilowday bishii hore.

Ciidamada la safan dowladda ay Qaramada Midoobe taageerto, ayaa u badan dabley ka timid galbeedka magaalada Misrata.

Madax ku sugan magaalada xarunta ee Tirpoli, ayaa rajeynayaa in guusha Sirta ay soo koobi doonto kala qeybsanaanta siyaasadeed ee weli dhibaatada ku ah dalka.

Kooxaha hubeysan ee halkaasi ku sugan ayaa dareemay qatarta awoodda kordheysa ee kooxda Khilaafada Islaamka markii ay kooxdu ku soo dhawaadeen magaalada.

Ciidamada gaarka ah ee Britain iyo Mareykanka, ayaa la ogyahay inay la talinayeen iydoo suurgal tahay in halkaasi ka joogaan ciidamo tababarayaal ah bilihii dhawaa. Ma cadda in howlgalkan ugu dambeeyay uu kaalamo dibadda ah helay.