Booliska Dalka Kenya oo ka digay Weeraro Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha Dalkaasi

0

Booliska Dowladda Kenya ayaa ka digay Weeraro xoogan oo Al Shabaab ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah Dalka Kenya inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya, George Kinoti  ayaa shaaca ka qaaday in amaanka la adkeeyay kadib markii ay soo baxeen xogo ku aadan in Al Shabaab ay damacsan yihiin fulinta Weeraro xoogan.

Booliska ayaa ugu baaay Shacabka ku dhaqan Magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Malindi in ay ka feejignaadaan Weerarada Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa waxuu xusay in Xoogaga Booliska iyo kuwa Militariga oo is kaashanaya in ay howlgallo kala duwan ka wadaan qeybo ka mid ah Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalka Boolisak Kenya ayaa waxuu imaanayaa xili dhawaan Xarakada Al Shabaab ay Weeraro kala duwan ka fuliyeen qeybo ka mid ah Magaalada Mandeera ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.