Khasaaraha ka dhashay Madaafiic lagu garaacay Buulo-burde oo la beeniyay

0

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Buulo-burde, C/casiis Cabdi Duuroow ayaa beeniyay in uu khasaaro ka dhashay tiro madaafiic ah oo lagu garaacay Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiye Duuroow waxuu shaaca ka qaaday in 3 hoobiye ay ku dhaceen Magaalada balse aanu ka dhalan haba yaraatee wax khasaaro ah.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Buulo-burde, C/casiis Cabdi Duuroow ayaa sheegay in ay ku baxeen halka hoobiyeyaashaasi laga soo tuuray laakiin ma uusan sheegin hadii ay Dad soo qab qabteen.

Waxuu sidoo kale xusay in ay tuhunsan yihiin Raggii ka dambeeyay Weerarkaasi duqeynta ahaa in ay ka yimaadeen Degaano hoostaga Gobolada Bakool iyo Sh.Dhexe.

Mr. Duuroow ayaa ku tilmaamay ujeedka Weerarkaas mid lagu doonayay in lagu hor-istaago Ciidamo gurmad u sameyn la haa Degaanka Halgan oo Weerar Xoogan lagu qaaday.

Inta badan, Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Weeraro isugu jira Qaraxyo iyo Duqeyn waxey ku beegsadaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.