Hogaamiyaha Daacish oo loo maleynayo in duqeyn lagu dhaawacay

0

Telefishin maxali ah oo ka howlgala wadanka Ciraaq ayaa baahiyay in duqeyn lagu dhaawacay hogaamiyaha kooxda Daacish Abubakar Al Baqdadi.

Duqeynta ayuu Telefishinka sheegay iney ka dhacday meel ku dhaw xadka dalalka ciraaq iyo siiriya.

Dhinaca kale wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegeysa in saraakiisha Mareykanka iyo kuwa ciraaq oo ay la xiriiren ay u sheegen ineysan weli xaqiijin karin kararka sheegaya in duqeyn lagu dhaawacay Al Baqdadi.

Hogaamiyaha Daacish Abubakar Al Baqdadi ayaa dhowr jeer la sheegay in lagu dilay duqeymaha uu Mareykanka la eegto saraakiisha Kooxda Daacish.