DHAGEYSO:- Dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Bakool iyo Khasaaro ka dhashay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Al-shabaab ayaa waxa uu dagaal culus ku dhexmaray degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee hogaaminaya dagaalka ayaa sheegay in ay dileen Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab, waxaana sidoo kale ay sheegeen in ay bur buriyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Tiyeeglow.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda dagaalka looga dilay 9 Askar halka 3 kalena laga dhaawacay.

Dhanka kale maamulka degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaal culus uu dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab.

Maamulka degmada Tiyeeglow ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in dagaalka uu ka dhacay deegaanka Buulo-jadiid oo 30 KM ujirta degmada Tiyeeglow, sidoo kalena dagaalkaasi lagu dilay 20 Shabaab ah.

Dhanka ururka Al-shabaab wali war kama aysan soo saarin dagaalka ka dhacay duleedka degmada Tiyeeglow oo  la sheegay in looga dilay 25 Askari.

Wali ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-