XOG+XASAASI:- Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Kusoo Wajahan Muqdisho

0

Warar hoose oo ay heshay Saxaafada ayaa waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah misane aad u badan ay kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qeybqaadan doona sugidda amniga magaalada inta doorashooyinka ay socdaan.

Kadib shaki badan oo laga qaaday ciidanka kale ee AMISOM ayaa midowga Africa waxa uu diyaarinayaa in xarumada doorashooyinka amnigooda sugaan ciidanka Itoobiya.

Taasi ayaa keentay in dalalka Midowga Africa ee ciidanka ka jooga Soomaaliya muran ka keenaan arrintaasi, waxaana qaarkood ay sheegeen in Itoobiya aysan imaan karin Muqdisho.

Itoobiya dhankeeda waxay waddaa dadaal xooggan oo ay ku doonayso inay ku hanato magaalada Muqdisho, islamarkaana ay mar kal dib u imaato magaalada.

Ulejeedka Itoobiya ayaa ah in caalamka ay tusto in ay ka shaqeyn karto nabadda Soomaaliya, laakiinse shacabka Muqdisho ayaan ku qanacsaneen in Itoobiya magaaladooda tagto.