WAR DEG DEG:- Xiisad Dagaal oo laga soo sheegayo Deegaano ku yaala Xadka Itoobiya iyo Shacabka oo hub aruursaday

0

Xiisado dagaal ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ku yaalla xuduudda uu gobolka Sool la leeyahay dalka Itoobiya gaar ahaan deegaannada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ka imaanaya deegaannada ku yaalla miyiga fog ee gobolka Sool ayaa sheegaya in colaadda ay ka taagan tahay halkaasi taas oo saameysay nolosha dad badan oo isaga barakacay deegaannada lagu dagaallamayo.

Xiisadaha colaadeed meelaha ay ka jiraan sidoo kale waxaa ka mid ah deegaanno ku yaalla magaalada Laascaanood oo iyana saansaan colaadeed laga dareemayo.

Boqor Cabdi Boqor Axmed Cali oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee deegaannada lagu dagaallamayo ayaa dowladda Itoobiya ku dhaliilay inay xasuuq ka geysatay deegaannadaasi.

Wuxuu sheegay in ay dileen ciidanka Itoobiya dad maato ah oo isugu jira carruur, odayaal waxgarad ahaa, dhallinyaro iyo haweenba.

Shacabka ayaa hubka qaatay si ay isaga difaacaan ciidanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan kuwa Liyuu Boolis.