WAR DEG DEG:- Diyaarado Dagaal Oo Ka Qeybqaadanaya Dagaalka Halgan Iyo Gantaallo Lagu garaacayo Al-Shabaab

0

Warar cusub ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo ciidamada DF oo garabsanaya Itoobiya iyo Al-shabaab dhinac ah ku dhexmaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Diyaarado dagaal ayeey soo kacsadeen ciidanka Itoobiya kadib markii Al-shabaab ay sii xoojiyeen dagaalka, waxaana diyaaradahan ay billaabeen duqeyn culus.

Gantaalo habow ah ayaa ku dhacay xaafado ay deggan yihiin dad shacab ah lamana oga inta uu la egyahay khasaaraha halkaasi ka dhashay dagaalka oo xooggan awgiis iyo duqeynta diyaaradaha oo socota.