DHAGEYSO XASAASI+CEYRIN:- Gudoomiyaha Dhuusomareeb oo Xilka laga Eryay iyo Magacyada Masuuliyiinta kale ee Xilka laga Qaaday

0

Madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu soo warramayaa in uu shaqada ka eryay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulkaas.

Walow aanu weli si rasmi ah u soo bixin digreetada Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ee shaqada uu uga eryayo masuuliyiinta ka tirsan maamulkiisa hadana Waxan Helnay nuqul ka mid ah 14 xubnood ee shaqada laga dirayo oo inoo suura gashay in 8 ka mid ah aan helno Magacyadooda iyo xilalka maamulkaasi ay ka hayeen. Waxaana ka mid ah:­

Axmed Walad Cabdalla Guddoomiyihii degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ku xigeenkiisii Burhaan Axmed.

Cabdi Qaadir Cusmaan oo ahaa Madaxii Amniga.

Macalin Faarax oo u aqaabilsanaa Arrimaha Bulshada.

Bishaaro oo iyadana la sheegay in Maaliyadda ay ahayd.

Cabdi Xaashi oo isna masuul uga ahaa Waaxda dhul Bixinta.

Daahir Macalin oo isagana la sheegay in uu qaabilsanaa Biya Korontada.

Xasan Sabagle oo ahaa Madaxa Warfaafinta maamulkaasi Gobollada Dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO