Xasan Dhoombe “Waa in Shacabku Ogaadaa Kuwa Xalane Fadhiya Inay Gumaysi Cusub Yihiin…”

0

PERTH, Australia : – Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Australia, Xasan Maxamed Cigaal (Dhoombe) oo ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey bilashada Bisha Barakaysan ee RAMADAAN, ayaa si cod dheer uga hadlay mowjadaha siyaasadeed ee lagu laynayo shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha waxa ku eedeeyey Beesha caalamka, inay arimo badan oo been abuur ah ka sheegaan dalkayaga, islamarkaana ay ku dawarsadaan dhibaatada ka jirta, isagoo sheegay in dhaqaalaha adduunku ugu deeqo dadka Soomaaliyeedna, ay u gacan galiyaan kuwo damiir laaweyaal Soomaali ah oo ay soo xusheen Ethiopia iyo dalal kale si loo luggooyo shacabka Soomaaliyeed.

“Kuwa Madaxda Soomaalida huwan, waa niman u yimid iney ka shaqeystaan shacabka Soomaaliyeed ee ma ahan kuwo u yimid inay dadka iyo dalka u shaqeeyaan” ayuu yiri Xasan Dhoombe, oo sidoo kale intaa ku daray “Waa in shacabka Soomaaliyeed ogaadaa in la qayaamay oo nimanka Xalane fadhiya ay yihiin gumeysi cusub Soomaalina aan dan u hayn, waxaa daaqada kasoo galay gumeysigii aan iska xoreyna 1960-kii isagoo ka faa’idaystey qaybi oo xukun, wax dhexdeenna yaalla ma leh oo aan in nala qalday ka aheyn ee qaladkeenna aan saxno isna cafino bil barakaysan ayaanu ku jirnaaye cid walba innagaa ka adag ee aan u istaago dalkeenna xoreyntiisa”

Dhoombe, oo soo hadal qaaday Qarixii ugu dambeeyey ee Hotel Ambasador dhiigga shacab iyo masuuliyiinba lagu daadiyey, ayaa sheegay in Qaraxyadu ay yihiin kuwo siyaasadeed oo lala eegto markasta madax adduunyada ka socota ay imaanayaan si ay u aaminaan iney Soomaaliya tahay meel aan aamin ahayn una baahan in beesha Caalamku gacanta ku hayso, waxaa cad inuu jiro xiriir ka dhexeeya Beesha Caalamka, Ethiopia , iyo Al-Shabaab oo aad ka garaneyso, buu yiri intaas oo ciidan ah oo Ajnabi inay iska fadhiyaan Caasimadeena oo ay mushaar sarena ku qaataan fadhigooda iyaga oo aan wixii ay u yimaadeen waxba ka qaban.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Australia, Xasan Maxamed Cigaal (Dhoombe), ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay gartaan dibindaabyada qaawan ee naloo maleegayo, islamarkaana ay markale sameeyaan kacdoon dib u xoreyn ah inta ay goori-goor tahay.