TOOS UDHAGEYSO: War Murtiyeed ka soo baxay kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa soo gaba gabeeyay wada-hadallo laba maalin uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulamadaasi ayey labada madaxweyne xoogga ku saarayeen arrimaha qaxootiga, socdaalka labada wadan, iskaashi dhaqaale oo dhex mara labada waddan iyo amaanka.

Labada madaxweyne ayaa isku afgartay qodobkii la xiriiray socdaalka, hase yeeshee waxey guddi ka soo shaqeeya u saareen arrimaha Qaxootiga, waxayna ugu dambeyn war-murtiyeed ka soo saareen kulankoodii.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, wax alaale wixii caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Labada Madaxweyne ay isla garteen waxyaabo badan.

HOOS KA DHAGEYSO:-