Mareykanka iyo Britain oo ka digay suurta galnimada weeraro Argagixiso ka dhaca goobaha loo dalxiiso

0

Mareykanka iyo Britain ayaa si wadajir ah u soo saaray digniino la xiriira weeraro argagixiso heerkoodu sareeyo oo ka dhaca Koofur Afrika, gaar ahaan goobaha loo dalxiis tago ee ay ku badan yihiin dadka ajaaniibta.

Ammaanka Goobaha laga dukaameysto ee magaalooyinka Johannesburg iyo Cape Town ayaa si aad ah loo adkeeyay, markii digniino ay ka soo baxeen Hey’addaha Sirdoonka reer galbeedka.

Mareykanka ayaa ka digay laba weerar oo laga yaabo in mar dhaw lala beegsado goobaha laga dukaameysto ee labada magaalo ee ugu waa weyn dalka South Africa inta lagu guda jiro bisha Ramadan.

Muwaadiniinta Mareykanka, Britain iyo Canada ee ku sugan Koofur Afrika ama booqanaya ayaa la siiyay talooyin ku aadan in weeraradan ay dhici karaan waqtiga ugu dhow inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

Britain ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay tagaan goobaha lagu badan yahay, goobaha ganacsiga laga dukaameysto ee loo yaqaano (Mall Shoping) iyo meelaha kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska waaxda Arrimaha Dibadda UK ayaa lagu sheegay suurta galnimada weeraro aan kala sooc laheyn oo lagu bartilmaameedsado dadka ajnabiga dalxiisayaasha ah.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga (IS) ayaa la sheegay inay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan magaalooyinka waa weyn ee Koofur Afrika.

Koofur Afrika oo ah dal ku caan ah dalxiisayaasha, isla markaana ay booqdaan dadka caanka ah ayaa dadka ku nool boqolkiiba 1.5 ay yihiin dad Muslimiin ah.