Top News+Daawo: Hillary Clinton Oo Ku Guuleystay Musharaxnimada Xisbiga Dimuqraadiga Ee Dalka Mareykanka.

0

Hillary Clinton ayaa sheegatay inay guuleysatay oo ay heshay magacaabista xisbiga dimuquraadiga, taas oo daba socotay guul aan caadi ahayn oo ay ka heshay gobolka New Jersey.

Waxaa la filayaa sidoo kale in Mrs Clinton ay taageero aan caadi ahayn ka hesho wufuudda gaarka ah ee bisha Juley codeyn doona.

Waxa ay noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay ee hesha awood ay xilka madaxweynaha ugu tartanto ee magacaabis ka hesha xisbi weyn oo Mareykan ah.

Ayadoo la hadleysay taageerayaasheeda Brooklyn, waxa ay sheegtay in guul aan caadi ahayn la gaaray taariikhda Mareykanka.

Waxa ay bogaadisay ololaha uu sameynaayay ninka la tartamaya ee Bernie Sanders.

Waxa ay eedeysay musharaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, oo ay ku sheegtay inuu yahay inaan u qalmin inuu madaxweyne yahay.

Weli waxaa la sugayaa natiijada codeynta gobolka California, taas oo cadeyn doonta haddii mrs Clinton ay ku guuleystayay magacaabista, inakstoo tiro yar ay u baahan tahay.