DHAGEYSO:- Maamulka gobolka Mudug oo ka digay in la iska horkeeno Bulshada

0

udoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin udiray dadka iska horkeenaya bulshada ku nool deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa sheegay hadii ay yihiin maamulka Mudug in aysan udulqaadan doonin dadka colaadaha ka hurinaya bulshada dhexdooda.

Waxauu sheegay in Puntland iyo Galmudug uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo sidaasi darteedna shaqsiyaadka iska horkeenaya bulshada la iska qaban doono.

Galmudug iyo Puntland ayaa horey waxa ay ugu dagaalameen magaalada Gaalkacyo, waxaana shacabka Gaalkacyo ay ukala qeyb sameen qaar degan deegaanada Puntland iyo qaar degan deegaanada Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-